Rajo dib loogu bilaabi karo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo muuqata * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Rajo dib loogu bilaabi karo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo muuqata

ka dib safarkii shalay madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa muuqaneysa rajo dib loogu bilaabi karo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo gogoshiisa taalo magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay shirkii shalay magaalada Baladweyne ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay wakiisheen Beelaha Gobolka Hiiraan ee wax tabanaya.

Mr Dabageed wuxuu sheegay in hada ay muuqato rajo Waxgaradka Hiiraan ugu laaban karaan Jowhar si ay dib ugu ambaqaadaan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo maalmihii u danbeeyay Hakad ku jiray.

“Sida la socotaan shirka waa tii laga furay Jowhar, waxaa jiray waxoogaa buuq ah oo dhanka reer Hiiraan ka imaanaya, Madaxweynaha wuxuu u yimid Beledweyn in qeylada jirta inuu xaliyo, waxay kulmeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dadka reer Hiiraan intooda badan ay wakiisheen, inta badna waxyaabihii ay ka wada hadleen waa isku waafaqeen inta badna wixii la isku diidanaa, waxa dhiban dib ayaa laga dhameystiri doonaa waqti dhow, shirkana dib ayaa looga furi doonaa Jowhar, sida wareegtada Madaxweynaha ku soo baxday”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Dhanka kale,waxaa jira Beelo shalay ku shiray magaalada Jowhar iyagana sheegay ineysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wado Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya,islamarkaana qaadacay shirka.

Lama oga sida looga gudbi karo caqabadan ku hor gudban shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo buuq badan uu hareeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!