Ra’isul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Read Time:40 Second

Wafdi balaaran uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Ujeedka safarka Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay sidii dib u heshiin loogu sameyn lahaa khilaafka daba dheeraaday ee ka taagan gobolka Gedo, iyo waliba sidii loo dardargelin lahaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale wararka hordhaca ah ee lagu kalsoonaan karo sheegayaan in maalinta Jimcaha uu tagi doono magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo si uu ugu kuur galo khilaafka jira.

Raysal wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo waxaa lagu wadaa inuu dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo ay dowladda Soomaaliya ka fulineyso magaalada Kismaayo.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %