Ra’isul Wasaare Rooble oo Cali Guudlaawe ka qanciyay tabashada uu ka qabay shirka doorashooyinka

Read Time:43 Second

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay kulan khadka taleefoonka ah oo ay la yeeeheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha  Galmudug Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid la doonayay in lagu qanciyo Madaxweynaha Hir-Sbabeelle oo diidanaa ka qeyb galka Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa wararka soo baxay ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana uu qanciyay.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku maqan dalka Turkiga uu shirka maanta furmaya uga qeyb galayo aaladda fogaan aragga ee ZOOMKA.

Qoraal kasoo baxay habeen ka hor Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ka qeyb galeyn Shirka, isla markaana wixii kasoo baxa aysan aqbaleyn Hir-Shabeelle.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %