Mareeg Media
Somalia

Raisul Wasaare kheyre oo xukumadii ka horeeysay ku shegay arimo dood dhaliyay ! ( waa maxaay ?)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysa talada dalka.

 

Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka.

 

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raado dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

 

“Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

 

Valueimpression Placeholder

Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka.

 

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqankaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la qjaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

Ra’iisul Wasaare Khayre”Dhaqanka cusub ee Siyaasadu waa Mid looga shaqeeyo in Dalka lagu dhiso ,dhaqalaha iyo Amniga”.

Posted by Nasra Bashir Ali on Friday, 8 November 2019

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!