
Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qoraal uu goor dhaw shaaciyey xaafiiskiisa lagu sheegay in ay ka shaqeynayso dawladdiisu sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF, oo uu ku eedeeyey in ay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika, wuxuuna sheegay in ay qaadayaan howlgal culus.
Waxaa lagu yiri qoraalkan”Juntaaga TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn”ayuu yiri Abiy Ahmed.
Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay dhageysteen hadalada uga imaanayay kuwa uu kusifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cida ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, ayaa lagu yiri qoraalka oo loola jeedo in TPLF laga wado.
Abiy ayaa ka hadlay Kumanaan Askari oo katirsan ciidamada deegaanada Kilalada oo lageeyey jiidaha hore ee dagaalka, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan Itoobiya amni & Horumar dhaqaale leh.
“Wiilashayadda ka kala Yimid 4ta jiho ee Dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen Argagixisada TPLF”ayuu yiri.
RW Itoobiya ayaa ku hanjabay in aysan gacmaha ka laaban doonin talaabooyinka TPLF, oo ugu yeeray Argagixiso ay tahay in wadajir loogu midoobo.
“Kooxdani argagixisada waxay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburyaan waxay isticmaaleen wadiiqo kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hada kadib”
“Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidama maamulada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga waxayna qabanyaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay imaan karto carqalado lagu hanjabinayo waanse tusaynaa Saaxbadeen iyo Cadawgewnaba mudo dhaw Natiijada hawl galka sareenta sharciga”
Muqdisho-Somalia