
muqdisho ( Mareeg News ) Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xasan oo safar ku jooga Norway,xalayna la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Norway ayaa sheegay in uusan jirin heshiis rasmi ah oo dhexmaray labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Ra’isalwasaaraha Itoobiya tagay Muqdisho,shirkii dhacayna laga soo saaray kaliya war murtiyeed ay Itoobiya ku codsatay maalgashiga Dekadaha Soomaaliya.
Waxaa uu dhaliilay Dad uu ku tilmaamay in ay dowlad diid yihiin oo uu sheegay in ay baraha Bulshada ku faafiyaan dacaayad ka dhan ah Dowladda.