Raila Odinga oo Soomaalida kula hadlay Islii

Nairobi – Mareeg.com: Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga oo shalay booqday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa la hadlay kumanaan dad ah oo isu soo baxay.

Raila_odinga_624x351_other_nocredit

Waxaa waddooyinka xaafadda isugu soo baxay kumanaan ruux oo dhagaysanayay khudbadda Raila Odinga, kaasoo horay uga horyimid raafka dowladdu ku heyso Soomaalida iyo dadka kale ee Muslimiinta ah.

Waxaa xaafadda muddo labo bilood ka badan ka socdo howlgallo ay dowladdu sheegtay inay doonayso inay ku sugto ammaanka.

Raila ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ku dhacday dadka Soomaalida ee xaafadda Isli.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in sugidda ammaanka ay tahay howl u taalla dowladda.

Raila ayaa dib ugu soo noqday dalka kaddib muddo saddex bilood ah oo uu Maraykanka ku maqnaa.

Isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila ayaa billaabay olole ka dhan ah dowladda oo ay sheegeen inay ku fashilantay inay gudato howshii loo soo doortay.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245