Raila Odinga Oo Isaga Haray U Tartanka Doorashada Kenya

Read Time:42 Second

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada dalkaasi Kenya oo la filaayo inay dhacdo 26-ka bishan October.

Raila Odinga ayaa sidoo kale sheegay inuu isna ka baxay u tartanka Doorashada ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka.

Isbaheysiga Mucaaradka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii Maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii dhacday bishii August.

Mucaaradka Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo isla markaana doorasho ku celiska ah la qabto oo hannaanka maxkamadda ay amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha Mucaaradka waxay ku sheegeen in IEBC ay si ula kac ah uga hor timid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.