Raila Odinga: Ma hoobna in dowladda Kenya si gaar ah u beegsato Soomaalida * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raila Odinga: Ma hoobna in dowladda Kenya si gaar ah u beegsato Soomaalida

Boston – Mareeg.com: Raila Amolo Odinga oo ah Raysulwasaarihii hore ee dalka Kenya, islamarkaana madaxweynaha xilligaan ee dalkaas Uhurro Kenyatta kula tartamay doorashada madaxtinimo ayaa dowladdiisa ku dhaliilay qaabka ay ula dhaqantay Soomaalida Kenya iyo sidoo kale dadka ku dhaqan magaalada Mombasa.
Raila Odinga oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu la yaaban yahay sida ciidamada dowladu hadaf uga dhigteen Soomaalida markii ay baarayeen dadkii ka dambeeyey falalkii argagixiso ee ka dhacay xaafadda Eastleight ee Nairobi.
Wuxuu sheegay Odinga in ineysan dowladdu ka fekerin waxa mustaqbalka ka dhalan kara beegsada qowmiyadda Soomaalida ee dalka Kenya degan ama ku nool.
“Ma haboona in ciidamada loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin”ayuu yiri Odinga oo wareysi gaar ah bixiyey.
Waxana uu Odinga sheegay in ay iska caddahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah.
Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya oo sii hadlay ayaa sheegay in hore loo arkay dad ka soo qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya.
“Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso” ayuu yiri Odinga.
Odinga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday xasuuqna ka dhacay.
Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xirxirtay in ka badan 3 kun Soomaali ah, waxaann shalay Muqdisho laga dejiyey ilaa 82 ruux oo Nairobi laga masaafiriyey.
Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!