Ra’iisul Wasaraha oo lagu wado inuu kala diro Xukuumada uu dhowaan soo dhisay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaraha oo lagu wado inuu kala diro Xukuumada uu dhowaan soo dhisay

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid lagu wado inuu kala diro Xukuumada uu dhowaan soo dhisay, kadib markii uu xoogeystay dadaalka Xildhibaanada Baarlamaanka inay codka kalsoonida ugu diidaan.

Kulamo saacadihii u dambeeyay ka socday Madaxtooyada oo ay lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada dhinac waxay isku afgarteen in la kala diro Xukuumada dhowaan la soo dhiso, si looga baaqsado in maalinta berri uu rido Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha, si uu isku bad baadiyo, isla markaana aanay u dhicin in markii u horeysay Xukuumada uu soo dhisay la diido.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu kala hadlay arrinta uu damacsan yahay oo ah inuu dib ugu noqdo Xukuumadiisa, waxaana uu weydiistay Gudoomiyaha in wax ka bedel lagu sameeyo Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee berri.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa isku raacay in ugu yaraan dib loogu noqdo jagooyinka Golaha Wasiirada isla markaana is bedel dhinac shaqsiyaadka iyo jagooyinka loogu sameeyo Golaha Wasiirada 5 ta bilood ee ugu horeysa.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu maalinta berri hortagi doono baarlamaanka, isla markaana ka hor sheegi doono inuu kala diray Xukuumada uu soo dhiso.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu weydiisan doono Baarlamaanka in waqti ay siiyaan oo uu ku soo dhiso Xukuumad cusub, iyadoo ay jirto in Baarlamaanka uu dhowaan fasax geli doono, waxaana ay u badan tahay in muddo 10 cisho uu weydiisan doono.

Tallaabadan ayaa la leeyahay waxay ka dambeysay markii isku dayo la doonayay in Xildhibaano badan lagu soo jiido uu guuldareystay, iyadoo Xildhibaanada badi ay ku adkeysteen mowqifkooda.

Dhinaca kale Ajandaha berri ee shirka Baarlamaanka ayaa laga bedelay codka kalsoonida Xukuumada, waxaana laga dhigay Hadal jeedinta Ra’iisul Wasaaraha oo lagu wado inuu Baarlamaanka hortiisa kaga dhawaaqo inuu is bedel ama uu kala diri doono Xukuumada uu dhowaan soo dhisay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa shalay diiday codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in ilaa 22-ka bisha dib loogu dhigo, waxaana taas ay noqotay caqabad ka hor timid ansixinta Xukuumada uu soo magacaabay.

Wal walka beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa noqday Golaha Wasiirada oo ay iska soo buuxiyan rag wax abaabulay ridista Labo Xukuumadood oo kala ah Saacid iyo C/weli, lagana yaabo inay mar kale horseed u noqdan burbur ku yimaado Xukuumadda hadda la magacabay ama inay ugu yaraan caqabad ku noqdaan Geeddi socodka 2016 da.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!