Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dib u dhigay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho.

Omar ali cabdirashiid sharkarke
Omar ali cabdirashiid sharkarke
Tan iyo markii la xiray siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa soo food saartay cabsi ba’an oo ku aaddan in la xiro, waxaana lagu soo waramayaa in uu qorsheynayo in safarkiisa koobaad uu ku yimaado gudaha dalka todobaadkan.
Cumar ayaa hadda kusugan magaalada Dubai ee caasimadda isutagga Imaaraadka Carabta, qorshihiisu wuxuu ahaa in uu dalka kusoo noqdo maalinta Khamiista ah, si uu u guda galo howlihiisa shaqo.
Ha yeeshee waxaa soo wajahay caqabad iyo cabsi ku aaddan in la xiro haddii uu yimaado magaalada, maadaama dowladda ay digniinno dhigtay garoomada diyaaradaha Garoowe iyo kan Muqdisho.
Warar hoose ayaa sheegaya in Cumar uu qorsheynayo in uu kasoo dago magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo uu ku diyaarsanayo ciidan aad u adag oo isaga waarddiye u noqda.
Si Kastaba ha ahaatee xiisadda ayaa aad usii xumaatay ka dib markii dowladda ay bilowday cabburinta siyaasiyiinta Soomaalida.
About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245