Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Ambabaxay Magaalada Adis Ababa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo U Ambabaxay Magaalada Adis Ababa

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay ka Ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya kaga qeyb galaya Shir deg deg ah oo ay  yeelanaayan Madaxda Urur Goboleedka IGAD waxaana Shirka looga arinsan doono xaaladda Suudaanta Koofureed iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Shirkan deg dega ah ee ka furmi doona Magaalada Adis Ababa ayaa waxaa Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn waxaana la filayaa in Shirka maanta galinka dambe uu ka furmo magaalada Adis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  ka mid ahaa Madaxdii Shirkaan deg dega ah horay loogu Casuumay waxaana uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!