Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo maanta ku wajahan Puntland!!! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo maanta ku wajahan Puntland!!!

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in maanta ay tagaan Puntland islamarkaana ay Puntland kala Xaajoon doonaan Cabashada ay ka qabaan Shirkii Madasha ee Muqdisho ka qabsoomay.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha iyo Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ay la kulmi doonaan Madaxda Puntland si Xal looga gaaro Cabashada Puntland ee ah in aan wax lagu qeybsan Nidaamka 4.5 oo la sheegay in lagu soo xuli doono Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda.

 

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo waxyaabihii ay Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ay isku raaceen,islamarkaana Talada uu ku Celin doono Shacabka Reer Puntland oo uu Wakiil ka yahay.

 

Sidoo kale shalay waxaa ka dhacay Puntland gaar ahaan Garoowe Banaanbax lagu diidan yahay  Heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran ee Puntland ay ka hortimid.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!