Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geerida Faadumo Nagruuma

Read Time:48 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Qaranka Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Rooblen ayaa tacsi u diray qoyska Marxuumada, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Faadumo Cali Nagruuma ay kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed.

“AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay isbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in shalay Cudurka COVID-19 ee dalka ugu geeriyoodeen 15 qof, waxaana Gobolka Banaadir laga helay in ka badan 250 qof, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.