Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geeridii Marxuum Cali Mahdi

Read Time:37 Second

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoyska, Ehelada, Asxaabta iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday.

“Waxaan geerida Madaxweynihii hore uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu Jannadiisa Firdows ka waraabiyo, ehelkiisii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii 4aad ee Jamhuuriyadda, waxa uu siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.