Ra’iisul Wasaare Rooble oo Helicopter ku tegay Xerada Bali-doogle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Helicopter ku tegay Xerada Bali-doogle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow booqasho ku gaaray xerada Ciidanka Mareykanka ee ku taalla deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Rooble oo ay wehlinayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan ayaa u kuur galaya howl-gallada Ciidamada DANAB iyo kuwa Mareykanka ee Saldhigoodu yahay halkaasi.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay xerada waxa uu la kulmo doonaa saraakiisha ciidanka Mareykanka ee ku sugan halkaasi iyo kuwa Danab, isaga oo kala hadli doono dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu qiimeyn doonaa Rooble xerada Balidoogle oo tababaro gaar ah lagu siiyo ciidamada Kumaandooska DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Mareykanka uu qorsheynayo in maalmaha soo socda ciidamadiisa uu kala baxo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay Madaxweynaha laga guuleystay ee Donald Trump.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More