Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Masar+ujeedka ka dambeysa

Read Time:1 Minute, 2 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib martiqaad uu ka helay dowladda Masar, isagoo la kulmaya Madaxweynaha dalkaas Abdelfatah Al-Sisi.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tan iyo markii uu la wareegay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee marxalada kala guurka ee uu dalka ku jiro, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska, inta uu xukunka hayay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ee lagu xadidayay awoodaha hey’addaha dowladda ayaa lagu caddeeyay in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu dadaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, isagoo socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, wada hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Muqdisho-Soma

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.