Ra’iisul Wasaare Rooble; “Dacwada Badda jawaabteeda waxaan ka sugeynaa Maxkamada ICJ”

Read Time:1 Minute, 13 Second

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kulan kula yeeshay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa kulankaasi ku celiyay mowqifka dowlada Soomaaliya ee la xiriira dacwada badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa u sheegay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in arrinta badda ay tahay mid laga sugayo maxkamada ICJ balse ay dowlada Soomaliya ay diyaar u tahay in laga hadlo arrimaha horumarka ee labada dal.

“Waxaa jira arrimo xasaasi ah oo markasta labada dal soo noqnoqda oo ay ka mid tahay arrinta badda maxkamada hadda taal jawaabteedana aan sugi doono,marka waxaan jeclahay in aan waxaas ka gudubno oo aan horumarka mustaqbalkeena aan ka xaajoono.”ayuu ka sheegay ra’iisul Wasaare Rooble kulankii maanta ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku tilmaamay nasiib darro xiriirka sii xumaanayay ee labada dal bilihii la soo dhaafay waxana uu xusay in loo baahan yahay in dib loo dhiso xiriirka isla markaana la joogteeyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga,dhaqalaha ganacsiga iyo isu socodka xorta ah ee badeecaha iyo koboca dhaqaalaha,

Labada wafdi ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015. JCC kaas oo qeexayay baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %