Ra’iisul Wasaare Rooble: Arrinta badda waa lama taabtaan

Read Time:50 Second

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo xalay la hadlayay ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in socdaalkiisa Kenya aanu la xiriirin arrinta badda oo maalmahaan la hadal hayay.

“Waxaan go’aansaday inaan isku dayo inaan soo celiyo xiriirkii labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ku saleysan dhaqaale, siyaasad iyo amni, halkanna uma imaan inaan wax saxiixo” ayuu Ra’isul Wasaare Rooble ku yiri muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya waa lama taabtaan, maantana igama filaneysaan inaan ka hadlo heshiis bad oo maxkamadda cadliga ee ICJ yaal oo dhawaan aan sugeyno inay jawaab ka soo baxdo” ayuu raaciyay Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu si cad ugu sheegay mowqifka Soomaaliya ee dacwadda badda, kaas oo ah in la sugo go’aanka maxkamadda ICJ.

Rooble ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa waddanka Kenya, halkaas oo uu wadahadallo la xiriira xiriirka iyo iskaashiga labada dal ku yeeshay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.