Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay M/weynaha Dalka Masar + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay M/weynaha Dalka Masar + Sawirro

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Sharma el-Sheekh ee dalka Masar, waxuuna ka qeyb galayaa shirka dhalinyaradda Aduunka kaas oo looga hadlo xaalada dhalinta iyo sidii looga wacyi galin lahaa arrimaha Tahriibka iyo arrimo kale.

Ra’iisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya ayaa kulan hor u dhac ah la qaatay Madaxweyna wadanka Egypt Cabdifatax Al Sisi, iyagoona ka wada hadlay in laga wada shaqeyo sidii la iskaga kaa shan lahaa la dagaalanka iyo cirib-tirka Ururka Al Shabaab iyo in la abuuro fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho kuwaas oo lagu dhiiri galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u dooran fikradaha ku salaysan argagixisada.

Madaxwayne Al Asisi ayaa balan qaaday in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxuuna cadeeyay in ay taageero dhan walba ah la garab istaagayaan dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona u jeedo iyo dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khader ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay shirka, oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Equatorial Gunnie.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!