Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shacabka Ugu Baaqay In Hal Dhinac Looga Soo Wada Jeesto Ururka Al Shabaab
Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii shalay kooxada nabad diidka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.
Xigasho Sonna.
Comments are closed.