Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Guddiga Dib U Eegista Dastuurka Ee Baarlamaanka + Sawirro
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xarunta Aqalka Sare waxa uu kula kulmay guddiga la socodka Arrimaha dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.
Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in guddiga ay kawada hadleen sidii loo dar dar gilin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre in ay muhiim tahay wada shaqeeynta wanaagsan ee kawada dhexeeysa xubnaha guddigaan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Maanta waxaa ka furmi lahaa Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka Dalka balse waxaa ku yimid dib u dhac.
Comments are closed.