Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Filaayo In Uu Taggo Xarunta Ganacsiga

Read Time:43 Second

Waxaa Saacadaha soo socda lagu wadaa in Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan booqasho ku joogo Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland uu tago Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhaweynta Ra”iisul Wasaare Kheyre oo maanta la filaayo in halkaasi uu gaaro,iyadoo markii uu gaaro kulamo la qaadan doono qeybaha kala kuwan ee bulshada ku dhaqan Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxa ay shegeen Booqashada Ra”iisul Wasaare Kheyre uu ku tagayo Magaalada Boosaaso ay qeyb ka tahay Kormeerka uu Ra”iisul Kheyre ku tagayo Degaanada Maamulka Puntland.

Sikastaba ha ahaate Ra”iisul Wasaare ayaa horay waxa uu booqasho Tariikhi ah horay ugu tagay Magaalada Qardho,waxaana uu halkaas kulamo kula qaatay Waxgaradka Magaaladaas,isgoona kala hadlay Xaaladaha Xiligaan ka jira Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %