Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga Dowlada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Laamaha Amniga Dowlada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Hay’adaha Ammaanka ka dib markii Qaraxii shalay ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Mudane Kheyre ayaa Hay’adaha kala duwan ee Ammaanka wax ka waydiiyay Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir ee ay ku dhinteen dadka badan.

Mas’uuliyiintii xalay uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale,Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Jeneraal Sambaloolshe, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Saacid,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cirfiid.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah wax looga qabto Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowlada Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Warbaahinta u sheegay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ay sidoo kale booqdeen isbitaallada la geeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!