Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Magaalada New York
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kamid xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb geli doona Shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.
Waxaa sidoo kale Shirkaan lagu casuumay in uu ka soo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxaa la sheegay in uu ka baaqday Shirkaasi.
Dhawaan Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa gaaray wafdi horudhac u ah dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale.
Comments are closed.