Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Garoowe & Qaban Qaabo Socota

Read Time:53 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta waxaa la filayaa in ay gaaraan Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland,iyadoo halkaasi laga dareemaayo diyaar garowga soo dhaweyntiisa.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa ku wehlin doono Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Saraakiil Ciidan,iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ka qeyb geli doonaa markii uu tego Magaalada Garoowe Sanadguuradii ka soo wareegatay Markii la Aas’Aasay Maamulka Puntland taas oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu booqasho ku tegi doonaa inta uu ku sugan yahay  Garoowe Magaalooyin ka mid ah Puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd,iyadoona la filaayo in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland.

Ammaanka Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana dhammaan la xiray Wadooyinka soo kala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooydda maamulka Puntland.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %