Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka Nixayay Madaxda Maamul Gobaleedyada kadib markii
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab kulul siiyay Madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa waxa ay hore u sheegeen in ay u baahan yihiin in la helo gacan sedexaad oo ajnabi ah si ay u xaliso khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada,balse waxaa kasoo horjeestay arinkaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre .
“waxaanan soo dhaweyneyn hanala soo kala dhexgalo garab Saddexaad oo ajnabi ah, garab Saddexaad waa dhaqankii aan horey u soo baranay, kaasi waala soo dhaafay, xaalada dowladnimada ay ku sugan tahay maanta waxa ay mareysaa shacabka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan inay dareemayaan inay dib u soo laabatay sharaftooda” ayuu yiri Kheyre.
Hadalka Kheyre ayaa meesha ka saaray rajadii ay maamul gobaleedyada ay kalahaayeen in khilaafka dowladda iyo iyaga u dhaxeeyay in ajaanin ay soo dhex gasho si ay garab u helaan.
Comments are closed.