Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Guddi U Xilsaaray Gurmadka Qaraxii Shalay Ka Dhacay Isgoyska Zoobe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Guddi U Xilsaaray Gurmadka Qaraxii Shalay Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay Guddiga isku xirka gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay galab ka dhacay Isgooyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo waxyeelo xooggan ay kasoo gaartay Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, isagoo xusay in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka gudahiisa waxba looga qaban karin Xukuumadda ay u qaadi doonto Caafimaad Dibada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ku booriyay xubnaa Golaha Wasiirada in ay dadka walaalohood ah ee ay soo gaartay dhibaatooyinka ay ugu deeqaan dhiig iyo kaalmooyin dhaqaale oo wax u tara dadkaas, isla markaana ay ku yaboohaan dhaqaale kaaalmo ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!