Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Goordhow U Ambabaxay Magaalada Garoowe — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Goordhow U Ambabaxay Magaalada Garoowe

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ,waxaana halkaasi  laga dareemaya soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Safarka uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagaayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb ah Wasiiro,xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu Magaalada Garoowe kaga qeyb geli doonaa Munaasabadda Sanadguuradii ka soo wareegatay Markii la Aas’Aasay Maamulka Puntland taas oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto.

Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu ku sugan Magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu booqasho ku tago Magaalooyin kamid ah Puntland.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa hadda waxaa ka socota diyaar garoowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa.

Ammankaga Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaan wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Nabad-sugida Puntland oo meel kasto taagan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!