Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Bogaadiyay Madaxda Maamulka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Bogaadiyay Madaxda Maamulka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanaddii 1998-dii.

Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya.

Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo shalay u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad.

Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale.

Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Waxaa uu ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!