Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka+Sawrro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka+Sawrro

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!