Raiisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo hortagay Baarlamaanka, khudbadna u jeediyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raiisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo hortagay Baarlamaanka, khudbadna u jeediyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow hortagay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo ka doodaya Barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumada, iydoo Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Xukuumadiisa.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta ku qorsheysnaa dooda barnaamijka xukuumada oo shalay loo qeybiyay ayaa la filayaa inay ka doodaan, waxaana soo dhamaaday khudbad uu Ra’iisul Wasaaruhu u jeedinayay Xildhibaanada Barlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay si degenaan u dhageystaan khudbada Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku soo dhoweeyay Makrafoonka Ra’iisul Wasaare C/wali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadii Xukuumadiisa codka kalsoonida ay hesho ay wax weyn ka qabanayaan arrimaha ammaanka dalka, cadaalada, siyaasada arrimaha dibada iyo tan arrimaha gudaha.

C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xooga saari doonto dhismaha iyo xoojinta ciidamada qalabka sida, waxaana uu cadeeyay in Xukuumadiisa qorsheyneyso in Al-Shabaab ka saarayaan deegaanada gobolada dalka ay ku sugan yihiin.

Xildhibaano fara badan ayaa is qoray, si ay uga doodaan barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumada cusub, iyadoo hadii ay maanta soo gaba gabowdo dooda Xildhibaanada berri codka kalsoonida u qaadi doonaan Xukuumada.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!