Ra’iisul Wasaare Cumar Xill cusub u magacaabey Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Cumar Xill cusub u magacaabey Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa loogu magacaabay Eng Cabdi Jiinow Calasow Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kaluumeysiga

Wareegtada ayaa lagu sheegay in la tixgeliyay baahida xoojinta iyo dardargelinta Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga iyo weliba aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay Eng Cabdi Jiinow Calasow horumarinta xeebaha.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow ayaa hore xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyadoo xilkii ugu dambeeyay ee uu soo qabtay uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxana uu hore u soo noqday Maareeyaha Dekeda magaalada Muqdisho.

Wareegtada Magacaabida Cabdi Jiinow Calasow;

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya The Government of Federal Republic of Somalia)

Offjce of the Prime Minister

Tixraac: XRW1OPl/DS’V08/2015

Taariikh: 26/08/2015

Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo KaUuumeysiga

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS. Markuu arkay: Qodobka ion= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.

Markuu tixgeliyey: Baahida 100 qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga

Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay aqoonyahanka hoos ku xusan
Wuxuu xeeriyey:

Ood.laad Magacaabid
Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa 100 magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.

Ood.2aad Dhaqan-gal

Magacaabidani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, w • a, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah

Mudane: Cumar Cabdrashid Ra’iisul Wasaaraha . Xukuumadda JFS

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!