Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo la kulmay Wafdi ka socday dalka Shiinaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo la kulmay Wafdi ka socday dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo xubno ka tirsan Golaha wasiiradda ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Shiinaha.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Liu Guijin oo ah Ergayga dowlada Shiinaha u qaabilsan Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, wuxuuna Ergayga iyo waftigiisu qiimaynayaan sida ugu haboon ee dowladda Soomaaliya uga mid noqon lahayd golahaas.

“Xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya wuxuu dib u soo noqday markii la dhisay dowladan cusub dhamaadka sanadkii 2012, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir dheer oo soo bilowday 1960-kii, waxaa noo qorshaysan inaan Soomaaliya ka caawino, dhanka warshadaha si dadka shaqo loogu abuuro, dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka, oo saldhig u ah in dalka wax badan laga caawiyo, waxaana rajaynaa in Soomaaliya sanadkaan dhamaadkiisa ay ku soo biirto Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, si ay uga fa’iidaysato deeqaha iyo golahos-2daymaha dowladda Shiinuhu siiso wadamada ka midka ah golahaan.”ayuu yiri Mr liu Guijin.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa uga mahadceliyey waftiga Shiinaha booqashada ay ugu kuurgalayaan sidii ay dalka uga caawin lahaayeen inuu cagihiisa isku taago, dib u dhisna ay ku sameeyaan goobihii ay Shiinuhu dhiseen oo bur burku soo gaaray.

“Waxaa dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii ay ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo China, waxaana arinkaas hormuud ka ah diyaarinteeda Wasaaradeena Arrimaha Dibadda, Dowladda Shiinaha waxaan ka rajaynaynaa markii aan ka mid noqono golahan inaan qayb ka helno mashaariicda ay Shiinuhu ku hormarinayaan Africa, waxaana mudnaanta noo leh hormarinta Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Waxbarashada” ayuu yir Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu danbayntii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cali Cumar ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday qaabkii ay uga mid noqon lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka qayb galayso sanadkan dhamaadkiisa shir heer wasiir ah oo ka dhacaya South Africa.

“Wafdigan wuxuu qiimaynayaa sidii Soomaaliya ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa oo la asaasay sanadii 2000, wuxuu golahaan taageero balaaran ka gaystaa dib u dhiska Africa, waxaana la qabtaa sadexdii sanaba shir heer madaxweyne ah, waxaana shirkii ugu danbeeyey lagu balan qaaday lacag gaaraysa 20 bilyan oo doolar oo dalalka Africa ay ku helaan deeq, deyn aan dulsaar lahayn iyo deyn dulsaarkeedu yar yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!