Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta ku sii jeeda magaalada Garowe

Read Time:1 Minute, 4 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo wada hadalo ay ku leeyihiin Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wada isbaheysi ka dhan ah dowladda Federaalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Garowe ayaa salka ku heysa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo Puntland, iyadoo Baarlamaanka Puntland uu qodobo ka soo saaray doodo uu ka lahaa heshiisyo horay loola galay dowladda Dhexe iyo xiriirka u dhaxeeya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu doonayo in tabashada Puntland uu xaliyo, gaar ahaan arrinta Maamulka Galmudug oo ay qoonsadeen xuduuda maamulkaas uu yeelanayo iyo qaab dhismeedkii loo maray shirkii Cadaado.

Sidoo kale Puntland ayaa diiday saddex guddi oo dastuuri ah inay ka howl galaan deegaanadeedan, waxaana ay ku gacan seyreen dhamaan heshiisyadii ay la galeen dowladda Federaalka, taasoo mugdi sii gelineysa xiriir wada shaqeyneed oo dhex mara labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bishii afaraad ee sanadkan booqday tagayo Garowe, waxaana la filayaa marka uu maanta gaaro inuu kulamo gaar gaar ah la qaato Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland oo labadaba ku kacsan dowladda Federaalka, iyadoo Maamulka Jubbaland horay u shaaciyay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka.

Xiriirka Maamuladan iyo dowladda Federaalka ayaa aad u xumaa todobaadyadii u dambeeyay, waxaana jiray hadalo kulul oo hawada la isu marinayay.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %