Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose iyadoo ay garoonka diyaaradaha Kismaayoku soo dhoweeyeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyoSHARMARKAE-KSM-5
Ku xigeenkiisa Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere iyo dadweyne farabadan.SHARMARKAE-KSM-2

Xubnaha Ra’iisul Wasaaraha safarkiisa ku wehelinaya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Wasiir ku xigeeno iyo xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadalaan sidii dib caadi loogu soo celin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Federalka iyo maamulka Jubba.

Bartamihii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa Axmed Madoobe lagu doortay magaalada Kismaayo mana jirin wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka ee ku saabsan doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!