Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Read Time:41 Second

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safarka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku gaaray Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaya qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadn,iyo mas’uuliyiin kale oo Koonfur Galbeed ah.

Ujeedka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay tahay sidii uu kaga qeyb geli lahaa aaska loo sameynayo hooyada dhashay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shalay ku geeriyootay Magaalada Baydhabo,waxaana Saacadaha soo socda lagu aasi doonaan Baydhabo.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %