Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Adis Ababa + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Adis Ababa + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran uu hogaaminaay ayaa maanta gaaray Magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa ay kamid wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo Soomaaliya u metelaya Shir Madaxeedka IGAD oo maanta halkaasi ka furmay.

Shirka IGAD ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ah sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha colaadeed iyo bani’aadanimo ee ka jirta Koonfurta Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waa safarkii labaad ee uu dalka dibaddiisa ku aado, tan iyo markii la magacaabay hore waxaa uu u booqday dalka Qadar.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!