Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Beladweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Beladweyne

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa inuu kormeer howled ku tego magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa iminka ka socoto magaalada Beladweyne, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay iminka ku suganyihiin mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan Cabdishakuur Cismaan Cali ayaa ku soo waramaya in si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada, waxaana socdaalka Ra’iisul wasaaraha ay la xiriirta sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!