Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeer lama filaan ah ku tegay xero ay ka socoto diiwaan gelin Ciidan + Sawirro

Read Time:52 Second

Ra’iisulwasaaraha xukkuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanto booqday Dugsiga tababarka ciidamada ee Janaraal Dhagabadan ee duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho oo uu ka soconayay diiwaan gelinta ciidanka xoogga ee nidaamka casriga ah ee Biomitric-ga oo sahlaya in xogta askarta loo keydiyo si nidaamsan, si ay xuquudooda u helaan si fudud.

Ra’iisulwasaaraha ayaa saraakiisha ciidanka iyo howladeennada ku howlan diiwaan gelinta ciidanka u sheegay in ay dardar geliyaan howsha, waxa uuna maanta kormeeray diiwaangelinta ciidanka Danab ee ka tirsan xoogga dalka oo halkaasi ka socotay.

Dhanka kale, ra’iisulwasaaraha ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay bankiga dhexe ee Soomaaliya, isagoona kulan layeesha Maamulka ku amray hubinta kharashaadka ay bixiyaan si taxadar leh, si looga hortago in xoolaha dadka ay si khaldan u baxan

Ra’iisul wasaaraha ayaa Maamulka Bankiga Dhexe ku adkeyay ilaalinta ammaanadda ay u hayaan ummadda,isagoona kula taliyay in nidaamka xisaabaadka bangiyada lacagaha lagu bixiyo lana yareeyo in lacag kaash ah la bixiyo si haddii loo baahdo looga daba tagi karo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %