Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Read Time:46 Second

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarake ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

 

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe, iyadoona Wafdiga Ra’iisul Wasaare Cumar ay u baqooleyn Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Puntland.

 

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Cumar uu u booqday Magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii Madaxda Maamulka Puntland uu uga dhaadhicin la haa ogolaashaha nidaamka 4.5 oo markii horeba ay Puntland qaadacday.

 

Dhinaca kale, Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyay sidii Ciidamada militariga Maamulka Puntland ay ula Dagaalameen Ururka Al Shabaab oo todobaad ka hor doonyo ku tagay Degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

 

Sikastaba, Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Gaas ayaa waxaa Caawa ay ka socdaan Xarunta Madaxtooyadda ee Maamulkaasi.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.