Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Cambaareeyay Qaraxii Shalay Ka Dhacay M/Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Cambaareeyay Qaraxii Shalay Ka Dhacay M/Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay waxyeelada badan dhaliyay ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii lagu hoobtay ee shalay  ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale ku tilmaamay Qaraxaasi Ra’iisul Wasaaraha mid Argagixisinimo, iyadoona uu sheegay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxa ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii shalay ku waxyeeloobay Qaraxii Xooganaa ee ka dhacay Muqdisho.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!