Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Kulan Wada Qaatay + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Turkiga Oo Kulan Wada Qaatay + Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa kulan gaar ah waxa ay kuwada qaateen Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Kulanka u dhaxeeyay Labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Turkiga ugu mahad celiyay taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay Turkiga siiyaan Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana uu ka taageeraa dhinacyo kala duwan, sida dib u dhiska, bani’aadanimada iyo horumarinta Mashaariicda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda caalamiga ee shirka ka soo qeyb gashay, isagoo kala hadli doona taageerida Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga ee ay la leeyihiin dalalka uu Madaxdooda la kulmo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!