Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan deg deg la qaatay Hey’addaha Ammaanka (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan deg deg la qaatay Hey’addaha Ammaanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.cumar-kulan4cumar-kulan

Kulankan oo looga hadlay weeraro mataano ahaa oo xalay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana Hey’addaha ammaanka lagu amaanay sida ay ugaga jawaabeen weerarka markii uu bilowday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo uga warbixiyay weerarkii labada hotel lagu qaaday.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday Hotelada Wehliye iyo Siyaad ay ciidamada ammaanka dhamaantood dileen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay mar walba feejignaadaan, waxaana uu mahad celin gaar ah u jeediyay ciidamada kala duwan ee dowladda ee soo afjaray weerarka.

Dhinaca kale Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ayaa tagay goobihii ay wax ka dhaceen ee Hotelada Siyaad iyo Wehliye, waxaana ka muuqday bur bur aad u xoogan, waxaana weeraradan ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!