Raiisul Wasaaraha oo ka dalbaday Baarlamaanka inay hakiyaan sharciyo ay soo gudbisay Xukuumadii hore

Read Time:1 Minute, 22 Second

Mareeg.com-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay dib u dhigaan Hindise sharciyeedyo horyaala Baarlamaanka, kaasoo ay soo gudbisay Xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Warqad uu u qoray Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa u aqriyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu dalbanayo in la hakiyo dhamaan hindise sharciyeedyada hada hor yaala Baarlamaanka, si aanay u meel marin oo ay ka dhigin sharciyo rasmi ah.

“Codsi ayaa iga soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in sharciyadii na horyaala in la hakiyo wuxuu naga codsaday ilaa wasiirada cusub laga magacaabayo inaan hakino, hindise sharciyeedkaas waxaa ka mid ah Hindise sharciyeedka Golaha adeega Garsoorka, Xuduudaha iyo Federaalka, Hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeye, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada, hindise sharciyeedka bankiga dib u dhiska iyo hormarinta”ayuu yiri Prof. Jawaari oo aqrinayay codsiga ka yimid Ra’iisul Wasaaraha.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in hindise sharciyeedyada qaar uu maray aqrinta koowaad iyo labaad, isla markaana qaarkood ay ku jireen wada tashiyo, waxaana uu xusay in hadii aanay helin hindise sharciyeedyadaas gole fulin aanay dhaqan geli karin.

Xukuumadii hore ayaa Baarlamaanka hor dhigtay dhowr hindise sharciyeedyo oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaana Baaramaanka, iyadoo sharciyada hada hor yaala Baarlamaanka uu yahay mid la doonayo in dowladda ku shaqeyso inta laga gaarayo sanadka 2016-da

Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa sheegay in inta laga soo dhisayo Xukuumada cusub dib loo dhigo sharciyadaas, isla markaana aanay la meel marin, iyadoo Xildhibaanaa Baarlamaanka ay soo dhoweeyeen.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybiyay warqadaha uu soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha ee uu ku codsanayay inay dib u dhigaan sharciyada ay

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.