Ra’iisul Wasaaraha oo Garowe kula kulmay Saraakiishii ka gadooday Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha oo Garowe kula kulmay Saraakiishii ka gadooday Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Garowe Saraakiishii hogaamineysay ciidamadii dhowaan ka gadooday Maamulka Puntland, kuwaasoo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Ciidamada ka gadooday Puntland ayaa waxaa hogaaminayay Jen. Muxiyadiin Muuse Axmed Muuse iyo Col. Cabdi Yare, waxaana shalay si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe, markii uu u yeeray Ra’iisul Wasaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in Labadan Sarkaal ee gadooday xalay kulan albaabada u xirnaa oo muddo saacado socday la qaateen Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kadib kulan gaar gaar la qaateen Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Jubba.

Kulamadan ayaa looga hadlayay sidii ciidamada gadooday dib loogu soo celin lahaa, isla markaana tabashooyinkooda la xaliyo, si meesha looga saaro muranka iyaga iyo Hogaanka Puntland u dhaxeeya.

Saraakiishan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in xal laga gaaro khilaafka, isla markaana ay aqbali doonaan awaamiirta uga imaaneysa madaxda, waxgaradka iyo bulshada.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maanto gaaro degmada Qardho, halkaasoo uu kula kulmi doono waxgaradka, Isimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo mar kale uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday wada hadalkii Madaxda uga socda Garowe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.