Ra’iisul Wasaaraha oo baaq nabadeed ka soo saaay colaada deegaano ka tirsan Mudug iyo Sool

Read Time:1 Minute, 31 Second

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ku baaqay in la joojiyo colaada ka aloosan deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka Howdka oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sool

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah waxaa uu baaq ugu jeediyay beelaha walaalaha ee dirirtu dhex martay inay wada hadal iyo is qancin ku dhameeyaan colaadooda, kana shaqeeyaan nabada.

“Waan ka xumahay dagaallada ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Magaclay, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah ay dagaalka ku joojiyaan, Dagaal wiil-baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, waxaan hiigsaneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaalamay isla markaana ay ka aqbaleen in ay khilaafka ku xalin doonaan wada xaajood, waxaana uu ku dhiiri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday qaraxii dhowaan ka dhacay albaabka laga galo Madaxtooyada, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa weerar argagixiso, isagoo ku baaqay in shacabka ay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka warbixiyay shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo, kaasoo ka dhici doona magaalada New York, isagoo rajo ka muujiyay in shirkaas ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah danaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar kala duwan ku tallaabsatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo gaaban gudahood lagu soo dhameystiri doono maamulada dhiman

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %