Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo soo gaarey Muqdishu * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo soo gaarey Muqdishu

Madaxweynaha dowlad gobaleedka jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa duhurnimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdi heer wasiir oo xukuumada Soomaaliya ka tirsan, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa wafdiga madaxweynaha jubaland kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade international air port ee Magaalada Muqdisho.

Soo dhaween kadib madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo warfidiyeenada kula hadlay qeybta nasiinada ee garoonka diyaaayaaradaha ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu maanta muqdisho ku yimid iyo sidoo kale waawaantii uu u tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo todobaadkii lasoo dhaafay xiisad u dhaxeysay Galmudug iyo Puntland ay ka jirtay.

Waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen dadaalladii nabadeed ee ay ka sameeyeen magaaalada galkacyo ugu dambeyna dadkii shacabka ahaa ee horay uga barakacay magaaladaasi ay dib ugu soo laabteen magaalada.Madaxweyne-Axmed2

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedka socdaalkiisa Muqdisho isagoo sheegay in uu ka qeybgali doono gunaanadka shirka hiigsiga sanada 2016 ka ee kasocda magaalada muqdisho kulamana uu la qaadan doono madaxda dowlada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.