Ra’iisul wasaaraha India oo booqasho la yaab leh ku tagay Pakistan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ra’iisul wasaaraha India oo booqasho la yaab leh ku tagay Pakistan

Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa maanta oo Jimcaha waxaa booqasho lama filaan ah ku tagay dalka dariska la ah ee Pakistan, isagoo la filayo in uu kulan la yeesho dhigiisa Pakistan Nawaz Sharif.

Mr Modi oo ka soo laabtay dalka Afghanistan ayaa ku hakaday magaalada bariga ku taala ee Lahore. Booqashadan ayaa ku soo aaday maalinta dhalashada Mr Sharif.

Ra’iisul wasaare Modi ayaa booqashadan waxaa ay taha tii ugu horeysay oo uu dalka Pakistan uu ku tago tan iyo 2004.

Xiisada u dhaxeysay labada wadan ee heysta hubka wax gumaada ee nuclear-ka isla markaana daris ah ayaa waxaa ay aheyd mid in muddo ah soo jiitamaysay hase yeeshee mudooyinkan dambe soo hagaagaysay.

Labadan mas’uul ayaa muddo kooban kulan ku yeeshay magaalada Paris ee dalka France intii lagu guda jirey shirkii cilmilada ee dhowaan halkaas lagu soo gabagabeeyay.

Wadamadan ayaa waxaa ay horey u dhex maray sadex dagaal tan iyo markii ay xoriyada ay ka qaateen dalka Britain sanadkii 1947, waxaana kabo kamid ah dagaaladaasi ku saabsanaayeen muranka gobolka Kashmir.

Kashmir, ayaa labadan wadan ay sheegtaan in uu leeyahay waxayna halkaas aheyd xudunka khilaafka labadan wadan 60 sano ee la soo dhaafay.

Xabad joojin la saxiixay 2003 ayaa hadda jirta inkastoo had iyo jeer midba midka kale uu ku eedeeyo in uu ku xadgudbayo heshiiskaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!