Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdrashiid oo gaaray magaalada Kismaayo

Read Time:26 Second

September 12 (Mareeg)—Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisal wasaaraha ayaa ka qeybgalaya xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa gaaray magaalada Kismaayo danjire Nicholas Kay,wasiirka arrimaha dibada dowlada Ethiopia Dr Tedros Adhanom iyo safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wufuuda ka qeybgalaysa shirka ku dhawaad 50 ka tirsan mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ayagana saacad ka hor soo gaaray magalada Kismaayo.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.